Waxaa la sheegaa in ay malaa'igtu Nebi aadam weydiisay inuu jecelyahay xaawo, si degdeg ah ayuu ugu jawaabay: haa waan jeclahay.

Balse marka ay Xaawo weydiiyeen inay jeceshahay Nebi Aadam iyo inkale waxay ku jawaabtay:Maya ma jecli!

Iyadoo sidaa ku jawaabtay haddana qalbigeeda waxaa ka buuxay jeceyl xad dhaaf ah oo ay u qabtay Nebi Aadam.

Markii Nebi aadam iyo Xaawo adduunka la keenay ee ay kala lumeen. Nebi aadam wuxuu bilaabay baadigoob isagoo maalinkii xaawo raadin jiray habeenkiina iska seexan jiray, Halka ay xaawo habeen iyo maalinba ay raadin jirtay Nebi Aadam.

Baadi-goob dheer kadib markay kulmeen ayuu Nebi aadam u sheegay inuu iyada u xiisay oo uu maalin walba raadin jiray, Xaawo iyaduna waxay tiri: Anigu kuma raadin jirin...ee adiga ayaan ku sugaayey si aad ii hesho!!

Haweenku badanaa rabitaankooda iyo jaceylkooda ma soo bandhigaan..lagama yaabo inay waxa qalbigeeda ku jira si sax ah kaaga waranto...

Soomaalidu waxay tiraahdaa dumarku dardaarankii carro-weelo ayey ku dheggan yihiin oo ahaa: Waxaad dooneysaan diida, waxaad diideysaanna doona...