Ma haysanno calculator aan ku xisaabino qiimaha bani aadanimada!♥️

Gabadh marwo ah ayaa soo gashay dukaan dharka lagu gado. Intii ay dukaamaysiga ku guda jirtay ayay aragtay nin faqiir ah kaas oo dibadda kasoo daawanaya maryaha dukaanka dhexdiisa yaalla.

Marwadii waxay fahantay in ninkan faqiirka ahi uu u baahan yahay qayb maryaha kamid ah balse uusan lacag haysan. Dibadda ayay u baxday waxayna u yeedhay ninkii si uu gudaha usoo galo waxayna ku marti qaaday inuu soo qaato maryaha uu u baahan yahay.

Ninkii maskiinka ahaa oo misana xishoonaya ayaa lasoo baxay maryo carruureed, wuxuuna isaga oo ilmo farxadeed ka qubanaysa hoos u yidhi "Waad mahadsan tahay, imika caruurtaydu waxay xidhan doonaan maryo qurux badan oo cusub" wuuna iska baxay marwadiina waxay usoo dhaqaaqday dhinaca lacag bixinta si ay u bixiso lacagteeda iyo tii miskiinkaba.