#100beri100bog |7| MURUGO

____________________________________

Buug sheeko ah oo se xiiso gaar ah leh, dhinacyo badanna taabanaya waaye. Samatar oo ay yaraantiisii waalidkii si xun ku kala tageen ayuu ka hadlayaa, dabadeedna noqday dibadyaal bayhoof ah oo aanan cidna u xisaabsanayn. Nin yar oo hooyadii la iska diray, aabbihii na -inkaste oo uusan awalba dabacsanayn- haddanna asaga oo yar dhintay buu ka sheekaynayaa.

Samatar waxa uu ku dhashay tuulo yar oo Yaaqle la yiraahdo, taas oo hoos tagta gobolka Gedo. Halkaa ayuu ku soo hanoqaaday, nolol reer miyi oo xooggaaga ku tiirsan. Nin asaga oo yar ay noloshu dayrisay buu ahaa oo uu nasiibku quruxdii dunida ka weeciyay. Dhibaato u joog iyo waxa uu noqday nin aanan naruradii noloshaba indho ka qaadin. Nin yari inta uu geed ka boodo buu talo ka boodaa ee Samatar noloshiisii adkaatay awgeed, waxa uu noqday mid mar waliba baahiyiisa laga ga faa'iidaysto oo ay cid waliba u soo dhex marto, inta ay iska dhigto naxariistii dunida iyo halkii uu ku baahi goyn lahaa!

Markii ugu horraysay oo ay dhibaatadan nololeed ee gadaal danbo silsilladda ka noqon doonto ay u bilaabanaysay waxa ay aheed, galab uu Culusow magaalada ka soo galay oo uu tuuladii Samatar yimid, Samatar iyo dhallinyaro tuulada oo aad u xiisaynaya gawaarida magalaada ka soo galo na ay gaarigii ku xoomeen, dabadeed ay Culusow iyo Samatar halkaa isku barteen. Ka dib markii uu baahida Samatar oggaaday, shaqo iyo waxbarasho ayuu berigaa u qalqaaliyay Culusow, waxa uu na u ballanqaaday haddii uu raaco in uu furkii saboolnimo iyo qaxarkii miyigaba tuuri doono. Nin yar oo berigaa soo qaangaarayay ayaa uu ahaa Samatarna'e, waa ka maalin mase labo maalin ka gadaal la soo dhuuntay Culusow iyo carruur kale oo uu magaalada ka soo aruuriyay ninku. Meeshii uu waxbarasho iyo ka filayay shaqo na waxaa lama-filaan loo ga dhigayaa xarako hubaysan oo uusan ku baraarugsanayn khatarta ay leedahay, weligii na uusan ka fakarin xitaa jiraalkooda, taa oo ka dagaallamaysa Sh. Hoose. Halkaas baa hayaankiisii dhibaatada iyo rajo-beelka nololeed uga bilaabanayaa. Nin fakarrada bilayska ah, daadinta dhiigga aadanaha iyo bannaysashadiisa aqoon ahaan loo gu diyaariyo buu noqonayaa, sidoo kale na la baro sida la isu qarxiyo, balaayada na loo aaso. Waa taa shaqadii loo soo helay iyo waxbarashadii uu filayay!