[Waxa La Aasay Sharaftii, Si Ay Ceebtu U Noolaato].
Ciidankii ayaa tuuladii soo galay, waxayna kufsadaan dhamaan wixii dumar joogay marka laga reebo hal gabadh. Gabadhaasi waxay iska caabbisay askarigii in uu xoogo damcay wayna ka guulaysatay madaxa ayayna seef kaga goysay.
Markii ay ciidankii danahoodii ka dhamaysteen tuuladii waxay iskaga laabteen xeryahoodii. Dumarkii oo dhami way soo baxeen iyaga oo oynaya maryahoodiina jeexjeexan yihiin, balse gabadhii aynu soo sheegnay waxay gurigii kasoo baxday iyadoo bidixda ku sidata seef dhiig leh midigtana ku sidata madaxa ninkii in uu kufsado isku dayey.
Waxay ku dhawaaqaysay ''ma waxaad u malaynayseen in aan u ogolaanayo in uu i xoogo isaga oo i dila ama aan dilo maahine".
Dumarka intii kale way tashadeen waxayna go'aamiyeen in la dilo gabadhaan sharafteeda ilaashatay si aysan fadeexadda dibadda ugusoo saarin ama aan hadhow loo odhan maxaad sida gabadhaas wax isaga celin waydeen.
(sidaas waxa lagu Aasay sharaftii si ay ceebtu u noolaato).
Dulucda:- Sidaas waxa maanta u dhaqma dadka xumaanta wada ee dhexdeena ku nool, waxay la dagaalamaan dadka sharafta leh ee damiirkoodu noolyahay si aanay u muuqan loona arkin dhaqan xumadooda isla markaana aysan caqabad ugu noqon hadafkooda iyo damacooda xumaaneed.

0 Comments
Post a Comment