Wiilka ayaa hooyadii waxa uu weydiyey:- Hooyo maxaad la ooyaysaa?

Waxay ugu jawaabtay:- sababta oo ah waxaan ahay qof dumar ah!

Wuxuu wiilkii yidhi:- weli ma anan fahmin hooyoy hadalkaaga!

Inta ay hab siisay ayay ku tidhi:- ma fahmaysid wiilkaygiyoow.

Wiilkii isaga oon jawaabta hooyadii ku qanacsanayn ayuu misana weydiiyey Aabbihii sababta ay hooyadii la oynayso? Aaabihii ayaa ku jawaabay:- maxaa yeelay waa dumar, dumarkuna had iyo goor way iska ooyaan sabab la'aan.

Wiilkii wuu koray wuuna guursaday weli se ma uu helin jawaabta "maxay dumarku la ooyaan"

Waagii danbe ayuu su'aashii weydiiyey oday xikmad badane ah.

Odaygii wuxuu ku jawaabay:-

Wiilow Markii Eebbe korreeye uu abuuray haweenka waxa uu siiyey laba garab oo xoog leh kuwaas oo ay ku qaado culayska adduunyada.

Kaddib wuxuu siiyey gacmo debecsan si dhallaankeeda iyo saygeedu ay raaxo uga helaan.

Kaddib wuxuu siiyey awood nafsadeed oo ay ku xamisho foosha. Kaddib wuxuu siiyey dulqaad ay ku eegato kuna aragto ubadkii ay soo korisay o markay weynaadeen dhabarka u jeedinaya.

Eebbe wuxuu haweenka ka dhigay mid asturta ceebaha qoyskeeda si loosoo wada noolaado.

Ugu danbaynna Eebe wuxuu dumarka siiyey ILMADA aad i weydiinayso taas oo indhaheeda kasoo qubata ama kasoo daadata marka dhimbiilahaasi gubaan si ay u nafisto.

Waa sababtaas sababta ay dumarku la ooyaan iyada oon cidina ogayn waxa ka oohinaya.

Wiilkaygiyow ixtiraam illinta dumarka cid kasta oo ay tahay.