Arrimuhu siday u kala mudan yihiin u kala horaysii!!!

____________________________

Qof waliba wakhti ku filan wuu haystaa qofna qof kale kama wakhti badna, kama wakhti dheera balse sida loo kala qorsheeyo ayuun baa lays dheer yahay, Wakhtigu waa hadyad qaaliga nagu ah mana jirto waxa ka qiimo badan oo adduunka yiil, sidaas ooy tahay uga faaideyso sida ugu macquulsan, laga yaabaa beri inaad qoomamooto markuu si fudud kugu dhaafo.

Dhibka jiraana wuxuu yahay qof waliba wuxuu rabaa inuu hammiyo badan isku furo kala doorashaduna ku adkaato dabadeed qofku meel uu u socdaba garan waayo ilaa marka dambe niyad jab ku dhaco qofka, niyad jabkaasina keeno depression. Qorsheyaal degso kala nidaamsan plan A plan B, markaa plan A haduu shaqayn waayo Plan B uga gudub Hadiii plan B shaqayn waayo waxaad dib u hubisaa plan A ilaa aad qorshe sax Ah ka helayso mid kaas oo Hore kuu wadi doona.

Balse hadii aad maskaxdaada ku cusbooneysiiso feker joogto ah iyo welwel xad dhaaf ah, waxa ugu yar ee hawlahaagu waxay noqonayaan kuwo ku Cabudhiya kaana wada halaabiya dhamaan qorsheyaashaad soo dejisatay.

Arrimaha qarsoon eed mustaqbalka rajaynayso ganacsigaad abuur is leedahay meesha aad u socoto waxaad damacsan tahay cidna yaysan kula ogaan waayo bani aadamku wixii fiicanba way fasahaadiyaane."